Qurbe-joogga Hawd waxay qalab ciyaareed ugu deeqeen xulka Gobolka Hawd

Iyadoo kaabiga lagu hayo wakhtigii ay bilaabmayeen ciyaaraha gobolladu ayaa maamulka iyo ciyaartoyda Gobolka Hawd ay maanta deeq agab ciyaareed ah ka guddoomeen qurbe-joogga Gobolka Hawd ee Imaaraadka Carabta, qurba joogta ayaa alaabtan usoo wakiishay labbada ganacsade ee Faysal Teydhi iyo Xuseen Geesh.

Munaasibafda deeqdan lagula kala wareegaayay ayaa ka dhacday Huteelka Hadhwanaag, Hargeysa, waxaana ka soo qayb-galay madax ay ka mid ayihiin Isuduwaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Hawd, tababaraha xulka Gobolka Hawd, qaar ka mid ah ciyaartoyga gobolka Hawd iyo dadweyne kale oo badan.

Ugu horeyn waxa ka hadlay madashan qalabka lagula kala wareegaayey Ganacsade Xuseen Geesh oo wakiil ka ahaa qurbe-joogga deeqdan soo diray. Wuxuna yidhi:

“Kolay sida aad ka war qabtaan alaabtan waxaa soo diray qurbe-joogga gobolka Hawd ee Imaaraadka Carabta,  aniga ayay igu soo hagaajiyeen oo ay ii soo wakiisheen, aniguna waad idin soo gaadhsiiyey oo waan idinku wareejinayaa, ciyaartoyda Gobolka Hawd waxan leeyahay mar walba dhiniciina ayaanu la taagan nahay taageere hiil iyo hooba leh ilaa inta koobku ka dhammaanay.”

Sidoo kale waxaa hadal kooban jeediyey ganacsade Faysal Teydhi, oo ahaa ganacsidii labaad ee deeqdan loo soo wakiishay waxaanu yidhi:

“Qalabka aanu idinku wareejinaynaa waa mid ciyaartoyga gobolka Hawd u ah dhiiri-galin, waxaan halkan baaq uga dirayaa dhammaan qurbe-joogga Gobolka Hawd, inay ku daydaan qurbe-joogga Imaaraadka oo ay soo dhiiri galiyaan ciyaartoyga”

Guddoomiyaha Gobolka Hawd Ibraahim Xasan Cali oo ka maid ahaa madaxdii guddoontay deeqdan wuxu iyadoo isla madasha la joogo qalabkii ku wareejiyey tabobaraha xulka Hawd Mustafe Yuusuf Maxamed. Weedho kooban oo uu meesha ka jeediyey waxa ka mid ahaa:

“Runtii aad baan ugu mahadnaqayaa qurbe-joogga ku dhaqan Imaaraadka Carabta ee gobolkooda ugu deeqay qalabkan ciyaaraha, sidoo kale waxaan igyaana u mahad-celinayaa ganacsatada halkan joogta oo iyagu mar kasta waxaanu uga baahano iyo caawimaba la garab istaaga ciyaartoyga Hawd.”

Guddoomiyihu wuxu jaaliyadda Imaaraadka ee Hawd ku ammaanay firfircoonidooda, kartidooda iyo deeqsinimadooda.

Bandhige kala soco wixii hadba ka soo k0rdha ciyaaraha gobollada ee la filayo in ay dhawaan bilaabmaan.

Bandhige@gmail.com