Rabshadihii masjidka Al-aqsa ee u dhexeeyey Yuhuudda iyo Falastiiniyiinta oo socda maalintii afraad

Rabshadihii soo bilaabmay Sabtidii kadib markii ciidan Yuhuud ahi ay gudaha u galeen masaajidka barakaysan ee Al-Aqsa ayaa wali soconaya.

Tiro booliis Israa’iiliyiin ah iyo rayadi falastiiniyiin ah ayaa ku dhaawacmay intii ay rabshaduhu socdeen laakiin wali cidina kuma ay dhiman.

Masjidka Al-Aqsa ayaa sidoo kale Yuhuuddu ay ku dooddaa in gidaarkiisu u yahay goob barakaysan.

Rabshadahan oo hadda sii xumaanaya iyadoo la isla dhacayo dhagaxaan, bambo-qaax, kuraas iyo wax kasta oo labada dhinac heli karaan ayaa ka sii daraya.

Golaha xukuumadda ee Israa’iil ayaa maanta leh kulan ay kaga xaajoonayaan wixii ay ka yeeli lahaayeen. Dadka yaqaan hab-dhaqanka xukuumadda Israa’iil ayaa sheegaya in xalku noqon doono xoog iyo ciidan loo adeegsado dhallinyarada ka soo dhex dagaalamaysa masaajidka.

Bandhige kala soco wixii hadba ka soo kordha arrinkan.

Bandhige@gmail.com