Rabshado ka dhashay nin kitaabka Qur’aanka jeex-jeexay

20 qof oo deganaa xero qaxooti oo ku taala Jarmalka ayaa weerar ku qaaday nin ay ku eedeeyeen in uu jeex-jeexay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, kuna riday suuli, ninkan ayaa u dhashay dalka Afqaanistaan.

Waxa ku dhawaacmay weerarkan 17 qof, oo ay ku jiraan lix askari.

Markii ciidamada amniga ay isku deyeen inay kala dhexgalaan dadka rabshadaha wadda ayaa waxa mar labaad iyagana weerar lagu qaaday kooxdii marka hore weerarka soo qaaday.

Siyaasiyiinta ayaa waxa ay ka digayaan xiisadda sare u sii keceysa ee ka taagan gudaha Jarmalka.

Jarmalka ayaa baryan danbe la taacaalaya tirada xad dhaafka ee soo galaytiga oo sii badanaysa.

bandhige@gmail.com