“Ragga kursiga u haliilaya waxaan leeyahay xilka Illaah baa bixiya, samadaana laga bixiyaa ee ee ha qawadin nasiibkaaga” Wasiir Xirsi

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji ayaa bog uu ku leeyahay Facebook-ga ku baahiyey farriin uu u diray siyaasiyiin uu ku tilmaamay in ay u haliilayaan kursiga (madaxweynaha). Wasiirku gaar uma uu sheegin ragga uu la hadlayo laakiin sida muuqata wuxu la hadlayaa ragga la filayo in ay u mustaqbalka u tartamaan kursiga Madaxweynaha oo uu ugu horreyo Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro.

Qoraalkii wasiirku wuxu u dhignaa sidan:

Waxaa muddooyinkii u dambeeyey waxa muuqanayey siyaasiyiin u fahmay tartanka siyaasadda aflegaado iyo hanjabaado aan macno badan lahayn isla markaana dhagaha shacabka ku ridayay hadalo deelqaaf ku ah qaranimada shacabku dhisteen waliba sidaas ku moodaya in ay hayaan jidkii saxda ahaa ee lagu helayey cod iyo cudud shacab.

Waxaan shaki ku jirin in muftaaxa quluubta shacabku yahay in aad u soo bandhigo siyaasad ku dhisan aragti mustaqbal iyo bisayl siyaasadeed sidoo kalena aad aaminto in xilka samada laga bixiyo.

Waxaan aaminsahay in siyaasaddu tahay Hiraal “Political Vision”, soo-bandhigidda aragti bulshada qancin karta iyo barnaamij siyaasadeed. Taasaa lagu kasban karaa taageerayaal tiro badan isla markaana qalbigooda iyo codkoodaba lagu hantaa balsecay iyo ceeb toona cod laguma helo!

Waxaa cad in tartan soo socdo isla markaana lagu tartami doono xisbi walba sida uu u soo bandhigo waxqabad iyo aragti horumar. Waxaan leeyahay tartan diyaarbaanu u nahay ee miidaanka kaalaya, dhaliil diyaar baanu u nahay wixii aanu leenahay, toosin iyo sixitaana diyaar baanu u nahay.

Haddaanu Kulmiye nahay shalay barnaamij baan bulshada u soo bandhignay, qorshe cad ayaanan la nimi, taasi ayaanan ku helnay cududda iyo codka shacabka. Markii aanu dawlada noqonayna ficil iyo fulin horumarineed ayaanu la nimi oo cid walba ka marag kacday.

Waa la ogaa shalay markii aan bilownay jidka Ceerigaabo kuwii beeninayey ee lahaa samayn maysaan kuwii lahaa lacag ayaa lagu lunsanayaa kuwii dadka qalbiga ka jabinayey in cadceeddu dabadooda kasoo baxday oo waxa aad maanta marag ka tihiin in 150km aanu dhamaynay oo isugu jirta wax daamurkii la saaray iyo wax gabogabo marayaba. Waxa bushaaro ah in aanu keenay daamurkii waddada dhamaystiri lahaa oo dhan hal foosto nagama maqna.

Xirsi Farriinta Facebook-ga
Muuqaalka Farriinta Xirsi soo dhigay Facebook-ga

Ugu dambayn waxaan siyaasiyiinta xasuusinayaa in cayda iyo qabyladdu tahay wax dhaqankeena ka caagan umadduna birimagaydo iyo milgo leedahay ee aan siyaasadda iyo tartanka la qalad-fahmin!

Wa Bilaahi Tawfiiq

Xirsi Cali Xaaji

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland