Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya wuxu booqday Eritrea, waxa soo dhaweeyey Madaxweyne Afwerki

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Aabiy Axmed Cali ayaa booqasho la filayey maanta ku tagay Asmara, xarunta Eriteriya, waxaa maddaarka ku qaabilay Madaxweynaha Eriteriya Isaias Afwerki.

Waxa booqashadan oo u muuqata mid aad loo buunbuuniyey si toos ah looga baahinayaa telefishanka Eriteriya. Sidoo kale waxa toos looga daawanayaa baraha bulshadu ku xidhiidho.

Waa markii koowaad ee hoggaamiye Itoobiyaan ahi booqasho ku tago dalkaas kadib markii 20 sanno ka hor uu dagaal aad u ba’ani labadan dal ku dhex maray xuduudda Eritriya, dagaalkaas oo ugu dambayntii ay Itoobiya ku guulaystay laakiin markii dambe guddi caalami ahi ay Eriteriya u xukuntay dhulkii la isku haystay.

Ra’iisal-Wasaare Caabi ayaa loo aqoonsan yahay qofka bilaabay nabaddan, kadib markii uu ku dhawaaqay in uu u hoggaansamayo go’aankii Guddida Caalamiga ah ee calaamadaynta Xuduudda Eriteriya iyo Itoobiya ay Baadhame iyo dhulkii kale ee lagu muransanaa ay ku raaciyeen khariiddada Eriteriya.

Dhawaan ayaa Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Eriteriya socdaal ku yimid Itoobiya, kaas oo si diirran oo aan la malayn karin loogu soo dhaweeyey, sumcad caalami ahna u soo jeediyey Ra’iisal-Wasaare Aabiy.

Mar haddii ay nabaddii labadan dal u dhaxaysay xaqiiqo u ekaatay, waxa maanta la filayaa in ay kala saxeexdaan heshiisyo ay ugu horayso soo celinta xidhiidhkii rasmiga ahaa ee diblomaasiyadeed.

Bandhige@gmail.com