Ra’iisal-Wasaare Xigeenka Jarmalka oo Sucuudiga ku eedeeyey in uu maalgeliyo xagjirnimada

Ku-xigeenka Ra’iisal-Wasaaraha Jarmalka Sigmar Gabriel ayaa si badheedh ah ugu eedeeyey Sucuudi Carabiya in ay maalgeliso xagjirnimada dunida oo dhan.

Sigmar Gabriel wuxu sheegay in uu Sucuudigu yahay kan maalgeliyey firqada Wahaabiyadda ee dunida oo dhan isla markaana uu lacag ku bixiyo sidii ay firqaddaasi u sii fidi lahayd. Wahaabiyadda wuxu ku sifeeyey Gabriel in ay tahay ta ay ka fircameen dhammaan argagixisada dunida maanta ka hawl-gasha. Wuxu sheegay in firqaddan dadka ka aflaxa ay u sahlan tahay in ay khalad ka fahmaan diinta, taasina ay keento in ay marka dambe ku dambeeyaan argagixiso.

Ra’iisal-Wasaare-Xigeenku wuxu sheegay in uu dhammaaday wakhtigii uu Sucuudigu waxa uu doonayo yeelayey isla markaana la gaadhay wakhtigii runta loo sheegi lahaa Sucuudi Carabiya.

Ra’iisal-Wasaaruhu sidoo kale wuxu tibaaxay in warbixin ay soo saartay hay’adda u sarraysa sirdoonka Jarmalka oo lagu magacaabo BND ay muujisay halista uu SUcuudigu ku hayo bariga dhexe iyo sida uu Sucuudigu u doonayo in uu khalkhal amni ka abuuro guud ahaan bariga dhexe.

Waa masuulkii ugu darajada sarreeyey ee reer-galbeed ah ee Sucuudi Carabiya si badheedh ah ugu eedeeyey taageerada argagixisada. Sannadkii la soo dhaafay waxa Sucuudiga eedayn tan oo kale ah u jeediyey Ra’iisal-Wasaarihii hore ee Ciraaq Nuuri Al-Maaliki oo carabaabay in hubka ay ISIS ku dagaalamaan uu u soo iibiyey Sucuudigu.

Bandhige@gmail.com