Ra’iisal-wasaarihii dibad-wareegga ahaa ee Yemen wuxu booqasho lama-filaan ah ku yimid Cadan

Ra’iisal-wasaarihii dibad-meerka ahaa ee Yemen Khaalid Baxaax ayaa goor dambe oo Sabtidii ah ka soo degay magaalo-xeebeedda Cadan.

Ra’iisal-wasaaruhu waa markii koowaad ee uu ciidda Yemen cagaha soo dhigo tan iyo markii dalkaas laga caydhsaday madaxdii uu ka mid ahaa horraantii sannadkan.

Booqashadan Ra’iisal-wasaare Baxaax waxay ku soo beegan tahay wakhti ciidamada maamulkiisa taageersani ay Xuutiyiintii ka sifeeyeen magaalada Cadan ee dhacda koonfurta Yemen.

Sidoo kale booqashada ra’iisal-wasaaruhu waxay ku soo beegantay wakhti ay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ay bilawday in ay raashin u qaybiso 340,000 oo qof oo meesha ku macaluulsanaa.

Ra’iisal-wasaare Khaalid Baxaax ayaa la soo werinayaa kadib markii uu booqday dhawr degmo oo dagaaladu si xun u baabiiyeen uu markii dambe u duulay Abu-Dabay.

Qaramada midoobay waxay sheegtay in 4000 oo qof ay ku nafwaayeen tan iyo markii dagaalku bilaabmay iyadoo boqolkiiba sideetan 21-ka Milyan ee ay Yemen ka kooban tahay ay soo food-saartay cunno yaraan ba’ani.

Bandhige@gmail.com