Ra’iisal-Wasaarihii Malaysiya ee dhawaanta lagaga guulaystay doorashada waa la xidhay

Xukuumadda Malaysiya ayaa maanta taxaabtay Najib Razak kadib markii lagu eedeeyey musuqmaasuq baaxad leh. Waxa laga soo qabtay gurigiisa oo ku yaalla Kuala Lumpur, waxaana dhakhso loo hor keeni doonaa maxkamad awood u leh in ay qaado dacwaddiisa.

Waxa lagu soo warramayaa in gurigiisa laga helay alaabo iyo macdano qaali ah kuwaas oo lagu qiimeeyey ilaa bilyan doollar badhkii.

Muddo dheer ayaa mucaaradkii hore haatana la wareegay xukunka dalkaas ay Najib Razak ku eedaynayeen in isaga iyo xaaskiisu si fool xun ay u dhaceen xoolihii dalkaas, musuqmaasuqii dalkaas ka dhacayna uu ahaa mid aan loo dul qaadan karin.

Lama oga waxa uu mutaysan doono Najib Razak, laakiin dadka aqoonta u leh shuruucda Malaysiya waxay saadaalinayaan in lagu xukumo labaataneeyo sanno oo xadhig ah.

Il-wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah