Raysal wasaaraha Hungary oo ku dhawaaqay in aan dalkiisu ogaalaan doonin Muslimiinta tahriibaya

Raysal Wasaaraha dalka Hungary Victor Orban ayaa ku dhawaaqay in aan dalkiisu ogalaan doonin dadka Muslimiinta ee ee muhaajiriinta ah ee ka soo yaacaya dagaalada meelo faro badan oo dunida ka mid ah ka socda.

Orban mar kula hadlaayay suxufiyiinta xarunta Midawga Yurub ee Brussels ayaa isaga oo ka hadlaaya dadka tirada badan ee magan gelyo doonka ah, ee uu dalkiisu difaaca kaga jiro ayaa yidhi:

Waxaanu xor u nahay oo aanu xaq u leenahay in aanaan rabi in ay wadankayaga soo galaan muslimiin badani.”

Sidoo kale waxa uu sheegay waxa uu uga digay dadka Muslimiinta ah in aanay dalkiisa ku soo lugu isaga oo difaacay dayrka waddankiisu iskaga xidhayo qaxoontiga, waxaanu yidhi:

“ Fadlan ha imanina, way khatar badan tahay in aad timaadaan, in dhibaato idin gaadho ayad khatar ugu jirtaan, idinma damaanad qaadi karno in la idin aqbalayo iyo in kale, faldan dadka yaan la soo lugoyn.”

Isaga oo hadalka sii wata Raysal Wasaare Orban waxa uu yidhi:

“Hadii aanu nahay Hungary waxaa nahaysa cabsi badan, sababtoo ah waxay rumaysan yihiin in aan hoggaamiyaasha dalalka yurub, oo ah raysal wasaare-yaashu aanay xakamayn karin arrinta haatan jirta ee qoxoontiga.”

Raysal Wasaaraha Hungary oo muujinaya colaada uu qabo dadka Muslimiinta ah ee ka soo qaxaya dagaalada kuwaasi oo u socday dalka Austari uu dalkiisu ka khasab kaga dejiyey tareenkii ay la socdeen isla markaana uu u qaaday xerooyin qoxoonti, halkaasi oo uu ka dhacay iska horimaad ay isku dhaceen booliska dalka hungary iyo dadkii tahriibayay, dadkaasi oo u badan dadka reer Suuriya ee ay dagaaladu ka socdaan wadankooda.

Dalkaasi oo waddamada caalamku ka leeyihiin dano kala duwan hase ahaatee guud ahaan caalamku wuu ka gaabsaday mushkiladaha ka socda dalka Suuriya.

swir4

bandhige@gmail.com