Raysal-wasaaraha Ingiriiska oo booqday xero qaxoonti Suuriyaan ahi deggan yihiin oo Lubnaan ku taala

Raysal wasaaraha Ingiriiska David Cameron oo booqasho ku jooga dalka Lebnaan ayaa booqday xeryo qaxoonti Suuriyaan ahi degan yihiin.

Cameron ayaa la kulmay tiro qaxoontiga Suuriya ee degan xerada qaxoontiga Bekaa Vally maanta oo Isniin ah, sidoo kale waxa la filayaa in uu la kulmo dhigiisa Lebnaan.

Xeryahah qaxoontiga Lebnaan ayaa waxa ku 1.1 milyan oo qaxoonti Suuriyaan ah oo u dhigmata saddex meelood meel tirada guud ee shacabka Lebnaan.

Dawlada Lebnaan ayaa ugu baaqday waddamada kale in ay la wadaagaan culayska qaxoontiga Suuriyaanka ah.

Qaar ka mid ah qaxoontiga ku nool Lebnaan ayaa waxay ku nool yihiin nolol adag oo aanay helin laydh, biyo nadiif. Halka qaarna ay kiraysteen geerashyo iyo guryo madhan oo dejiyeen qoysaskooda.

Tobonaan kun oo qaxoonti Suuriyaan ah ku sii jeeda Giriiga halkaas oo ay doonayaan in ay ugu sii gudbaan Yurubta kale.

Qalalaasaha ka socda Suuriya oo sii kordhiyey qulqulka qaxoontiga ayaa waxay hoggaamiyaasha reer Yurubna ku dhawaaqeen in ay qaadanayaan qaxoonti dheeraad ah. Waddanka Jarmalka ayaa rajaynaya in uu qaato sannadkan dadka gaadhaya 800,000 oo qof.

Sidoo kale David Cameron ayaa horaantii bishan ku dhawaaqay in dalkiisu qaadan doono 20 kun oo qaxoonti Suuriyaan ah ka dib markii ay hadheeleeyeen Yurub qulqulka qaxoontiga Suuriya.

Ingiriiska ayaa qaabilay qaxoonti gaadhaya ilaa 5 kun tan iyo intii dagaalka Suuriya bilowday 2011-kii.

David Cameron ayaa ku sheegay safarkiisa Lebnaan in uu soo arko xaalad dhabta ee qaxoontiga Suuriyaanka ah ee ku sugan Lebnaan.

 

bandhige@gmail.com