Raysal-wasaaraha Ingiriisku waxay ku baaqday doorasho wakhtigeeda laga soo hormariyo

 

Raysal-wasaaraha Britain Theresa May ayaa ku dhawaaqday qorsheyaal lagu hirgalinayo doorasho wakhtigeedi laga soo hormariyay oo dhacda 8 Juun sannadkan.

May waxay sheegtay in Ingiriisku ay u baahan tahay, degenaansho iyo hogaan awood leh, arrintaas oo dabo socota aftidii ay Britain ku go’aansatay in ay kaga baxdo Midawga Yurub.

Hoggaamiyaha mucaaradka Jeremy Corbyn ayaa sheegay in xisbiga Shaaqaaluhu uu rabay doorasho, isaga oo ku tilmaamay fursad lagu helikaro dawlad “ahmiyad siisa aqlabiyadda”.

Baarlamaanka ayaa Arbacada codka u qaadi doona qorshaha doorashada si uu u ansixiyo, Raysal-wasaaruhuna waxay u baahan tahay saddex meelood labo ka mid ah xildhibaanada si loo qabto doorasho laga soo hormariyay wakhtigii la qorsheeyay ee ahayd 2020-ka.

May oo sharaxaad ka bixinaysa isbadalkan ka yimid maskaxdeeda ayaa sheegtay in

“Ay fikirkeedii ku soo gunaanaday in qabashada doorashadan ay tahay habka kali ah ee lagu hanan karo hubanti iyo degenaansho.”

bandhige@gmail.com