Raysal Wasaaraha Itoobiya oo mar kale loogu doortay Guddoomiyaha xisbiga EPRDF

Raysal Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa mar kale loo doortay Guddoomiyaha xisbiga EPRDF iyo waliba Raysal Wasaaraha Itoobiya.

Hailemariam Desalegn ayaa waxa uu xilkan cusub ee maanta loo doortay uu si toos ah uga dhigayaa in uu noqdo Raysal Wasaaraha Itoobiya.

Hailemariam oo dalka itoobiya Raysal Wasaare ka ahaa sanadihii 2012-kii wuxu sidoo kalena hore u haa Raysal wasaare-xigeenka Itoobiya, iyo wasiirka Arimaha Dibedda.

Dhimashadii Males Zenawi ka dib ayaa si ku meel gaadh ah dib loogu magacaabay Raysal Wasaare, hase ahaatee waxa xilkaasi si rasmi ah loogu doortay 2012-kii ka dib markii loo doortay Guddoomiyaha xisbiga EPRDF.

Hailemariam Desalegn ayaa waxa uu hore Guddoomiye uga ahaa ururka ay leeyihiin qoomiyadaha Koonfurta Itoobiya.

Si kastaba ha ahaatee shirkan EPRDF ayaa isna loogu doortay Guddoomiye-xigeen Demaqe Mokennon oo isna hore u ahaa Guddoomiye-xigeenkii hore ee xisbiga EPRDF.

Sidoo kale labbadan masuul ee xilalka ugu sareeya ee xisbiga loo magacaabay ayaa ka soo kala jeeda, labbada qoomiyadood ee Amxaarada iyo Qoomiyada Shucuubta Koonfureed.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee WIC ayaa halkaasi waxaa ku codaynaayay 161 xubnood, halka 157 ay Guddoomiye ugu doorteen Hailemariam Desalegn,

Ururka EPRDF ayaa hore u doortay 36 xubnood oo ah Guddiga fulinta halkaasi oo Afarta Urur ee ku bahoobay xisbigani uu soo doortay 9 xubnood.

EPRDF (1)

bandhige@gmail.com