Raysal-wasaaraha Itoobiya wuxu bedelay Taliyayaashii Militariga iyo Nabad-sugida

 

Jeneraal Samora Yunis ayaa laga bedelay taliyenimadii ciidamada Itoobiya.

Nin la-taliye sare u ah Raysal-wasaaraha cusub ee Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa ku tilmaamay taliyaha xilka laga qaaday “shakhsiyaddii ugu muhiimsanayd milatariga” Itoobiya.

Fariin uu u qoray boggiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in Jeneraal Seare Mekonen noqon doono ninka bedeli doona Samora.

Talaabadan waxa la qaaday dhawr bilood uun ka hor markii uu shaqada ka fadhiisan lahaa Jeneraal Samora.Wuxu ka mid ahaa oo u soo dagaalamay kana mid ahaa falaagadii xukunka ka tuurtay Mengistu Haile Mariam 1991 ee Meles Zenawi awoodda u dhiibtay.

Tobanaankii sannadood ee ka dambeeyeyna waxa uu ahaa nin ay aad iskugu dhawaayeen Meles isla markaana xubin muhiim ah ka aha ciidamada nabadgelyada ee aadka looga baqo.

Waxa xilka laga qaaday laba bilood uun ka dib markii Abiy uu xilka ula wareegay si loo damiyo mudaharaaddo dawladda lagaga soo horjeeday oo socday.

Raysal-wasaaruhu isbedello badan ayuu fuliyey tan iyo bishii bishii afaraad ee sannadkan.

Weriyaha BBC-da Emmanuel Igunza, oo ka soo warama magaalo madaxda Addis Ababa, ayaa sheegaya in shaqo ka fadhiisinta Jeneraal Samora ay Abiy siinayso fursad uu dib ugu qaabeeyo xidhiidhka uu la leeyahay ciidanka, kaas oo had iyo goor loo arko in uu si qoto dheer ugu lug yeeshay siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Todobaadkan horaantiisii, ayaa isbahaysiga talada dalka hayaa shaaciyey in uu si buuxda u aqbalayo oo uu meelmarinayo heshiiskii nabadgelyo ee soo afjaray dagaalkii xuduudka ee Eritrea dalkaasi la galay.

Talaabadaasi waxay soo afjari doontaa khilaafka ka dhexeeya Eritrea ee dhaliyey dagaalkii ugu dhimashada badnaa ee xuduud Afrika ku yaal oo lagu diriro ee 1998.