Raysal Wasaaraha Maleeshiya ayaa ku dhawaaqay in baalkii la helay yahay hadhaagii burburkii diyaaraaraddii MH370

Raysal Wasaaraha Maleeshiya Najib Razak ayaa ku dhawaaqey in baalkii dhawaan ku soo caariyey jasiiradda Faransiisku ku dhex leeyahay Badweynta Hindiya ee loo yaqaan Reunion uu noqday diyaaraddii MH370 ee nuurigeeda la waayey 17 bilood ka hor oo ay saarnaayeen 239 rakaab ahi.

Qoysaska dadkii saarnaa diyaaraddii MH370 ayaa ku eedeeyey xukuumadda Najib iyo shirkada diyaaradaha Maleeshiya jawaab la’aanta halkay ku danbaysa diyaaraddii siday qarabaabadoodii.

Raysal Wasaare Najib Razak oo ka hadlay haadhaagii burburka todobaadkii hore la helay ayaa waxa uu yidhi:

“Maanta, waxa ka soo wareegtay markii la waayey diyaaraddii 515 maalmood, waa arrin aad u culus oo ay tahay in aan idiin sheego kooxo khubaro caalami ayaa ku guuleysatay oo xaqiijiyey in baal ka mid ah burburkii diyaaraddii MH370 laga helay Jasiiradda Reunion.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Imika waa haysanayaa cadayn ah in qayb ka mid ah la helay diyaaraddii MH370 ee la waayey 24kii Maarj sannadkii hore taasi masiibo ku heshay koonfurta badweynta Indiya.”

Dhawaaqan Raysal Wasaaraha ayey ku qanci doonaan qoysaskii dadkoodii saarnaa diyaaraddii MH370 in ay dhinteen, hase wali la shaacin warbixin kale oo dheeraad ah oo ku saabsan hadhaagii burburka diyaaraddii la la waayey sannadkii hore.

Maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa wararka dheeraadka ee ka soo baxa baadhitaanka ay khubaradu helaan hadhaaga kale ee diyaaradda.

bandhige@gmail.com