Raysal-wasaaraha Pakistan wuxu ka badbaaday dacwad xilka lagaga xayuubin lahaa

 

Maxkamada sare ee dalka Pakistan ayaa shaacisay in aysan cadaymo ku filan u haynin eedaymo musuqmaasuq oo xilka laga qaadi karo Rasal-wasaare Nawaz Sharif.

Taas badalkeedana waxay maxkamaddu waxay amartay in baadhitaano dheeraad ah lagu sameeyo lacago la xawilay.

Waxa su’aalo ka soo ifbaxeen heshiisyada ganacsi ee qoyska Sharif kadib markii saddex ka mid ah carruurtiisa lala xidhiidhiyey xisaabaad bangi oo ay ku leeyihiin dibedda sida lagu baahiyay Panama.

Sharif iyo qoyskiisa ayaa beeniyay eedeymahaas.

Waxay eedaymahan ku tilmaameen in ay yihiin kuwo la siyaasadeeyay.

Kiiskani ayaa ahaa mid si wayn loo hadal hayay bilihii u danbeeyay iyada oo la saadaalinayay in arrintani ay go’aamin karto mustaqbalka Raysal-wasaare Sharif.

Ku dhawaad 1,500 oo boolis ah ayaa loo daadgureeyay dhismaha maxakmadda oo ku yaala Islamabad.

Mudaaharaadeyaal isu soo bax ku qabtay meel u dhaw maxkamadda ayaa Sharif ugu baaqay in uu xilka isaga dago waxayna ku dhawaaqayeen “Xilka ka dag, xilka ka dag Nawaz”, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Suuqyada saamiyada ayaa sare u kacay ka dib go’aanka maxkamadda ee sida wayn loo sugayay.

Maxkmadda sare ayaa aqbashaday dabayaaqadii sannadkii hore in ay baadhitaan ku samayso xisaabaadka uu Sharif ku leeyahay dibedda ka dib markii hogaamiyaha mucaaradka uu ku hanjabay dibad baxyo wadooyiinka dalkaasi lagu qabto.

Baadhitaankan ayaa diiradda lagu saarayay lacago loo isticmaalay hanti looga iibiyay London iyada oo la isticmaalayo shirkado Pakistaan dibeddeed ka dhisan.

Gabadha uu dhalay Sharif ee Maryam ah ayaa la sheegay in ay quud daraynayso in ay siyaasadda meel sare ka gaadho halka wiilashiisa Xasan iyo Xuseen-na eedeeyn loo soo jeediyay.

Sharif ayaa sheegay in hantidiisa uu ku helay wado sharci ah. hase yeeshee dadka dhaliila ayaa sheegay in shirkado dibada ah loo adeegsaday qarinta lacagtaas ama laga cararay in canshuur la bixiyo.

Golaha maxkamadda sare oo ka kooban 5 xubnood ayaa ku kala qaybsamay gudoonka maanta oo khamiis ah, laba garsoore ayaa ka soo horjeedsaday Raysal-wasaraha balse saddex garsoore ayaa amray in baadhitaanno dheeraad ah la sameeyo.

Xisbiga Pakistan Muslim League – (PML-N) ayaa bogaadiyay go’aanka kuna tilmaamay guul halka gabadhiisa Maryam ay barteeda twitter-ka ku soo qortay:

“Mahad oo dhan alle ayay u sugnaatay.”

bandhige@gmail.com