Raysal-wasaaraha Taliyaaniga Matteo Renzi oo is casilay

Raysal-wasaaraha dalka taliyaaniga, Matteo Renzi, ayaa is casilay ka dib markii looga guuleystay aftidii loo qaaday isbedel lagu sameeyo dastuurka dalka.

Shir jaraa’id oo xalay qabtay ayaa wuxuu ku sheegay in uu qaadayo masuuliyadda natiijada ka soo baxday aftida.

Siyaasiyiintii u ololeyneysay diidmada isbedelka ayuu ugu baaqay in ay qorshe cad soo gudbiyaan.

Natiijada hordhaca ah waxay muujineysaa in “MAYA” ay ku horeyso 60 boqolkiiba, halka “HAA” ay heshay boqolkiiba 40.

Dadka u soo baxay codeynta waxaa lagu qiyaasayaa boqolkiiba 70, taas oo keentay in dad badan ay diidaan dalabka ra’iisul wasaaraha iscasilay.

bandhige@gmail.com