Raysal Wasaare Xambe Oo Eedaymo Xoogan U Jeediyay Maamulka Puntland

 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa hadal uu xalay ka jeediyay magaalada Muqdisho ku dhaliilay Dowlad-goboleedka Puntland, in aysan door muuqda ka ciyaareyn hannaanka dowlad-dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka digay in deyn-cafiska Soomaaliya ee Bulshada Caalamka ay halis ku jirto haddii aysan Puntland arrintan kala shaqeyn Dowladda Soomaaliya.

Warbixintan Muqdisho kasoo diray wariyaha VOA-da Cabdicasis Axmed Barrow.

Bandhige@gmail.com