Raysal Wasaare-xigeenka Imaaraadka Carabta ayaa Qasriga Madaxtooyada ku casuumay Madaxweyne Siilaanyo iyo wefti uu hoggaaminayey

Raysal Wasaare-xigeenka ahna Wasiirka Madaxtooyada Dawlada Imaaraadka Carabta, Sheekh Mansour Binu Sayid Al Nahyan ayaa shalay waxa uu Qasriga Madaxtooyada ee Dubay hadhimo sharafeed ugu sameeyey Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo weftigii uu hoggaaminaayey ee ku sii jeeda dalka Ayrland.

Weftigan oo maalmo ku sii hakaday waddanka Iskutaga Imaaraadka Carabta, waxaanay maalmaha soo socdana u kicitimi doona waddanka Ayland, waxaana halkaasi Madaxweynaha ku wehelinaayay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali, iyo danjiraha Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Baashi Cawil Xaaji Xuseen, iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Axmed Cali.

Raysal Wasaare-xigeenka Imaaraadka Carabta Sheekh Mansour Binu Sayid Al Nahyan, waxa uu si meeqaam sare leh ugu soo dhaweeyey Qasrigiisa Madaxtooyada, Maxdaweynaha iyo weftigiisa, soo dhaweyntaasi oo u dhignayd habka ugu sareeya ee ay ku soo dhaweeyaan Madaxda kala duwan ee dalkooda booqashada ku timaada.

Sidoo kale waxay Madaxweynaha Somaliland iyo Raysal Wasaare-xigeenka Imaaraadka Carabtu ay kaga wada hadleen kulan ay yeesheen, sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo wax wada qabsiga Labbada dal, waxaanu halkaasi Madaxweyne silaanyo uga mahad celiyey Dawlada Imaaraadka Carabta mashaariic horumarineed oo kala duwan oo ay ka hirgalisay Somaliland qaarna ay haatan gacanta ku hayaan.

Waxaanu halkaasi ka cadeeyey Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland in ay Somaliland ka go,an tahay sidii ay wax ula qabsan lahaayeen walaalahood, una sii adkayn lahaayeen cilaaqaadka labbada dal.

Dhinaca kale waxa isaguna dhankiisa ka hadlay Raysal Wasaare-xigeenka Imaaraadka Carabta waxaanu sheegay inay ku han weyn yihiin xidhiidhka ay la leeyihiin Somaliland, isla markaana ay ku faraxsan yihiin in wafdigan uu Madaxweynuhu hogaaminayaa ay dhawr cisho ku sii hakadaan dalkooda.

Intaasi dabadeed waxa Madaxweynaha iyo waftigiisu ay isla galabtaba dib ugu noqdeen loona soo galbiyey Magaalada Dubai oo ay degan yihiin.

bandhige@gmail.com