Raysal-wasaarihii Bakistaan ayaa waxa uu iska casilay xilkii

 

Raysal-wsaaraha dalka Bakistaan, Nawaz Shariif ayaa xilka iska casilay kadib markii maxkmadda ugu sarreysa dalkaasi ay go’aamisay in aanu u qalmin sii haynta xilkaasi.

Baadhitaanka ayaa lagu sameeyey hantida qoyska Nawaz Sharif, kadib markii sannadkii 2015-kii ay soo baxday “cadaymihii Panama”, taasi oo lagu sheegay in qoyska Raysal-wasaaruhu ay ku lug leeyihiin shirkado ku yaalla dalka dibeddiisa.

Sharif ayaa si joogta ah u beeniyay eedaymaha loo jeediyay.

Garsoorayaasha Maxkamadda oo ka kooban 5 qof ayaa si wada jir ah ugu dhawaaqay go’aanka. Waxaana aad loo adkeeyey ammaanka guud ee caasimada Islamabaad.

Ejaz Afzal Khan oo kamid ah garsoorayaasha kiiskan qaaday, ayaa sheegay in Nawaz Sharif aanu sii ahaan karin xubin sharafeed kamid ah baarlamaanka.

Wasiirka arrimaha guddaha Pakistan Chaudhry Nisar Ali Khan, ayaa u jeediyay Raysal wasaaraha in uu aqbalo xukunka maxkamadda.

Maxkamada ayaa baadhitaan ku haysay tiro dad ah oo uu kamid ah yahay Nawaz Sharif, gabadhiisa Maryam iyo saygeeda, wasiirka ganacsiga iyo xubno kale oo dawladda ka tirsan.

Nawaz Sharif ayaa dhowr jeer Raysal-wasaare kasoo noqday Bakistaan, laga soo bilaabo 1990-kii. Waxaana sannadkii 1999 xilka looga tuuray afgembi aan dhiig ku daadan.

Ma jiro Raysal-wasaare rayid ah oo dalka Bakistaan soo maray oo xilka si nabad ah ku dhamaystay muddo shan sanno ah.

bandhige@gmail.com