Raysal-wasaarihii hore ee Israa’iil oo sannad iyo badh xadhig ah lagu xukumay

Raysal-Wasaarihii hore Israa’iil Ehud Olmert waxa lagu xukumay 18 bilood oo xadhig ah ka dib markii lagu helay dacwad ah in uu dhacay dhismayaal wakhtigii uu ahaa duqa magaalada Qudus ka hor intii aanu noqon Raysal-wasaaraha Israa’iil.

Xukunka Olmert ayaa waxa uu noqonayaa xukuntii labaad, oo ay hore maxkamadda hoose ku xukuntay 6 sanno xadhig sannadkii hore ee aynu soo dhaafnay.

Ehud Olmert oo todobaatan jir ah ayaa waxa xadhigiisu bilaabmi doonnaa 15-ka bisha labaad ee sannadka dambe.

Olmert ayaa waxa uu ahaa wakhtigii 2006-dii Maayarka Qudus, isagoo markii dambe noqday Raysal-wasaaraha Israa’iil oo uu iska-casilay jagaddaas 2009-kii.

bandhige@gmail.com