Kulamo aad u xiiso badan oo shalay lagu kala ciyaaray horyaaladda Ingiriiska iyo Isbaanishka ayaa waxa iskaga horyimid kooxaha Real-madrid oo jallaafo u dhigtey Barcelona, Liverpool iyo Tottenham oo isku barbardhacey, Arsenal oo xaaqdey Watford, Chelsea oo ku barbaratey Astonvilla, iyo Manchester city oo ku durdurisey Bournemouth,
Kulamadaas oo ahaa kuwo xiiso badan ayaa lagu kulmey horyaallada ingiriiska, iyo Isbanishka, ciyaar aad loo wada sugaayay ayaa waxa hebeenkii xalay ahaa fooda isdarey labada kooxood ee aadka u xafiiltama kana tirsan waddanka isbayn, waa Barcelona oo gurigeeda ku marti galisay kooxda Real-madrid.
Tababaraha kooxda Real-madrid Zinadine Zidane oo ahaa ciyaartoy hore uga tirsanaa kooxda una saftey ciyaaro badan oo ay isaga horyimaadeen labadan kooxood ayaa si weyn isha loogu hayay inuu guul kasoo hooyo kulankan, waxaanuu si xarrago leh 2:1 uga badiyey dhigiisa Barcelona oo ay hore iyagoo ciyaartoy ah ugu dagaallameen kulamo derbi ah.
Inkastoo ay Barcelona aya ku horreysay 1gool waxaa kadaba timid Real oo 2gool ugu bedeshay iyadoo ay u kala saxeexeen labada ciyaartoy ee Benzema iyo Cristiano Ronaldo.
Dhanka kale waxa kulamo xiiso badan la ciyaarey horyaalka ingiriiska oo ay fooda is dareen Liverpool oo gurigeeda ku marti galisay kooxda reer London Tottenham, waxaaney isla dhaafi waayeen barbarro 1:1 ah, kooxda Arsenal waxay 4:0 ku xaaqdey kooxda Watford, dhanka kale kooxda Manchester city ayaa waxay 4:0 ku jiidhay kooxda yar Bournemouth, halka ay Chelsea oo baryahaaba uu baalku ka qoyaanaa ay 4:0 iyana ugu quus goysay kooxda ugu hooseysa horyaalka ingiriiska ee Astonvilla.
Waxa isku soo duba-riday: Cabdiraxmaan Cawke