Robert Mugabe wuxu shacbigiisa ku canaantay in ay libaaxii Cecil ka difaaci waayeen ajaanib cadow ah

Madaxweynaha 91-ka jirka ah ee Zimbabwe Robert Mugabe ayaa maanta fagaare kala hadlay dadweynaha dalkaas iyadoo la xusayey “Maalinta Geesiyaasha” si loo xasuusto dadkii ku geeriyooday halgankii uu dalkani xukunka kagala wareegay caddaankii tirada yaraa ee dalkaas iska maamulan jiray.

Madaxweyne Mugabe wuxu shacbiga Zimbabwe ku canaantay in ay ka ajaanibka cadowga ah ka ilaashan kari la’ yihiin khayraadka dalkooda.

“Khayraadkiinii ayaad cadowga ajaanibka ah ka difaacan kari la’dihiin. Libaaxii Cecil wuxu ka mid ahaa khayraadkiinii. Nin ajaanib ah ayaa dilay idinkuna waad difaaci kari waydeen” ayuu yidhi Mugabe.

Madaxweyne Mugabe wuxu u muuqday in ka xanaaqsan libaaxii caanka dunida ka ahaa ee Cecil oo dhawaan nin Maraykan ah oo dhakhtar ahi leeb iyo qaanso ciyaar-ciyaar ugu dilay isagoo ku andacooday in aanu wax dambi ah samayn laakiin ugaadhsi sharci ah samaynayey isla markaana uu bixiyey lacag $50,000 oo Doollar ah.

Madaxweyne Mugabe wuxu sheegay in isagoo toddoba jir ah laga joojiyey ugaadhsiga ugaadha iyadoo loo sheegay in ugaadhu ay ka mid tahay makhluuqaadka Ilaahay, sidaas daraadeedna aanu u dul-qaadanayn ajaanib sida uu hadalka u dhigay khayraadka dalkiisa duulaan ku ah in ay warmo iyo rasaas ku laayaan ugaadha dalkiisa.

Xukuumadda Zimbabwe ayaa codsatay in loo soo gacan-geliyo dhakhtarka ilkaha ee reer Minnesota ee magaciisa la yidhaa Walter Palmer si loo maxkamadeeyo lana mariyo ciqaab uu ku mudanayo dilkii uu u gaystay libaaxii Cecil.

Xukuumadda Zimbabwe ayaa 2dii August wixii ka dambeeyey mabnuucday ugaadhsiga libaaxa, shabeelka, haricadka iyo ugaadha guud ahaan dunida ku sii daba yar. Hase ahaatee waxa la aaminsan yahay in go’aankani aanu wali fulin sida uu ku fulaana ay adag tahay maadaama baahi aad u darani ay dalkan ka jirto taas oo sababay in musuq-maasuqa iyo wax-is-daba-marintu ay dhuuxa dad badan raacday.

Halkan ka akhriso war hore oo kan la xidhiidha: Dhakhtar Maraykan ah oo ku dhagaroobay libaax caan ka ahaa dalxiiska Afrika

Bandhige@gmail.com