Roob lagu diirsaday oo Boorama ka da’ay

Roob aad loogu diirsaday ayaa shalay galab ka da’ay Boorama iyo agagaarkeeda kaasi oo muddo laba saacadood ku dhaw socday.

Xildhibaan Cabdiqani Daa’uud Qalinle oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Deegaanka ee degmada Boorama oo khadka telefoonka ugu waramaayey mareegta  Bandhige.com ayaa sheegey in roobkaasi bilaabay shalay saacaddu markii ay ahayd saddexdii galabnimo ee waqtiga Geeska Afrika uuna socday ilaa shantii iyo waxoogaa.  Roobku wuxu gaadhsiisnaa guud ahaan Boorama iyo agagaarkeedaba”. image

Roobkan ayaa ku soo beegmay iyada oo maalinkii shalay ay warbaahintu tebinaysay sagaal qof oo haraad ugu go’ay deegaanada gobolka Salal ee galbeedka Somaliland halkaas oo ay ka jiraan abaaro iyo jiilaal dabo dheeraadey.

Waxaa xusid mudan in aanu sannadkan roobabkii gu’gu ka di’in meelo badan oo ka mid ah Somalialnd marka laga reebo meelo yar yar oo si teel teel ah ugu da’ay.

Bandhige@gmail.com