Roobab baraf iyo dabaylo wata oo ka da’ya Maraykanka

Roobab baraf iyo dabaylo wata oo la saadaaliyey in ay di’I doonaan 30 saacadoo ayaa waxay ka da’ayaan qaar ka mid ah gobollada beriga iyo Washington DC.

Lix gobol oo ku yaalla dhinaca bari ayaa lagu dhawaaqay xaalad deg-deg ah, waxaana dadka lagu amray in ay ku nagaadaan guryaha tan iyo inta ay uu qaadayo roobabkani.

Roobabka barafka ah ayaa waxay saamayn doonaa in ka badan 80 malyan oo Maraykanka ah.

Magaalada Washington waxaa la joojiyay gaadiidka dadweynaha ee basaska iyo tarenadda.

Saraakiisha dhinaca cimilada ayaa sheegaya in barafkan da’aya uu sababi doono koronto la’aan.

Shirkadaha diyaaradaha ayaa joojiyay kumannaan kun oo duulimaadyo ah oo ka baxayay ama imanayay garoomada diyaaradaha ee ku yaalla, Washington DC, Baltimore, Philadelphia iyo garoomo kale.

bandhige@gmail.com