Roobab Waaweyn Oo Ka Da’aya Somaliland & Digniinta Waaxda Saadaasha Ee Wasaaradda Beeraha.

Roobab Waaweyn Oo Ka Da’aya Somaliland & Digniinta Waaxda Saadaasha Ee Wasaaradda Beeraha.Roobab waaweyn, ayaa ka curtay gobollada iyo degmooyinka Somaliland qaarkood.

Roobabkan oo Xalay illaa Maanta gobollada dalka qaar si xidhiidh ah uga da’ayey, ayaa waxa ka dhashay daadad waaweyn, kuwaasi oo khasaare ku keenay meelaha qaar.

Tusaale ahaan, Magaalada xeebta ah ee Berbera ee xarunta gobolka Saaxil oo uu Maanta saacado badan ka da’ayey Roobku, ayaa daadadkii ka dhashay waxay qarqiyeen xaafadaha Magaaladaasi, halka ay gaadiidka yaryarna gidaarrada guryaha ku mad-baceen, qaarna ay biyo-mareeno ku riixeen, maaddaama oo ay ahaayeen biyo badan oo xoog leh, hase-yeeshee lama sheegin khasaare intaa ka badan.

Maayirka Berbera Cabdishakuur Ciddin oo Warbaahinta la hadlay, ayaa dadweynaha ku nool xaafadaha qadiimka ah ugu baaqay inay si ku meel-gaadh ah guryahooda uga guuraan, maaddaama oo saadaashu sheegtay in roobabku sii da’ayaan Maalmaha soo socda.

Sidaa darteed, Waaxda Saadaasha ee Wasaaradda horumarinta beeraha JSL oo ka hadashay roobabka, ayaa digniin u dirtay dadwehnaha ku nool xeebaha dalka.

War qoraal ah oo uu xafiisku soo saaray, ayaa lagu yidhi “Xafiiska Saadaasha Hawadu waxa uu digniin u dirayaa dhamman dadwaynaha ku nool xeebaha Awdal, Saylac Lughaya, Geerisa iyo Gargara inay ka Feejignaadan Roobabka mahiiganka ah ee la saadilanayo, kana dheeradaan meelaha biyo-mareenada ah.

Sidoo kale, qaybo ka mid ah Maroodi-jeex iyo Saaxil ayaa iyagana looga digayaa khataraha ka iman kara daadadka.

Fiiro gara:- Roobabka ayaa la rejaynayaa inay da’aan xilliyada dambe ee habeenkii.”