RRU-da oo la wareegtay xafiisyadii UCID iyo Waddani, sarkaal ka tirsan mucaaridkana xabsiga u taxaabtay

Sida aan ku helayno wararka hor-dhaca ah oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin karayn, xukuumaddu waxay maanta awood-gelisay baajinta shirkii aayo-ka-tashiga ee mucaaridku ku baaqay. Waxay hadda la wareegtay xarumihii UCID iyo Waddani sidoo kalena ciidamada RRU-da ee u tabobaran la dagaalanka argagixisada ayaa taxaabay Xoghaye-Xigeenkii Warfaafinta ee xisbiga Waddani Md.Cabdirashiid Maxamed Aadan (Jeeni).  Ciidamada C.I.D-da ayaa hadda su’aalo waydiinaya Jeeni.

Wararku waxa ay intaas ku darayaan in la xidhay waddada hor marta qasriga Madaxtooyada Somaliland ee ka soo gasha dhinaca galbeed una socota dhinaca bari iyada oo aagaas oo dhanba ay teedsan yihiin ciidamo tiro badan.

Dhanka kalena wararku waxa ay intaas ku darayaan in Dalxiis Huteel oo ku yaalla dacalka biriijka weyn ee Hargeysa la soo hor dhoobay ciidamo aad u badan iyada oo xukuumaddu ka baqo qabta in halkaas lagu qabto shirkii talo-qaran ee ay ku dhawaaqeen xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Weli ma cadda in xukuumaddu ay dhicis ka dhigtay shirkii mucaaridka iyo in abaabulkii socdo. Saacadaha soo socda ayay wax badani kala caddaan doonaan.

Dadweynaha Somaliland ayaa ka walaacsan xaaladda siyaasadeed ee degi la’ bilihii u dambeeyey, waxana laga werwersan yahay in buuq siyaasadeed oo abuurmaa uu xasiloonida qaranka wax u dhimi karo.

Bandhige@gmail.com