Ruushka iyo Maraykanka waxay heshiis ka gaadheen qaabka ay u fulinayaan hawgalada duqeynta ee guddaha Suuriya

Heshiish is afgarad ah ayaa waxa uu dhexmaray Mareykanka iyo Ruusha oo duqeyn dhinaca cirka ah ka wada gudaha Suuriya. Sida ay sheegeen heshiiskan ayaa waxa uu yarayn doonaa halista isku dhacyada diyaarada dagaalka ee duqeynta wada.

Wasiir-ku-xigeenka Difaaca Ruushka, Anatoly Antonov ayaa waxa uu sheegay in isfahanka lagu heshiiyay uu labada dal u suuragelinayo in ay si nabad ah u fuliyaan howlgaladooda Suuriya. Wasiirku isagoo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Waxaan u eegeynaa sida tallaabo wanaagsan, heshiiskan isfahanka ah ee dhexmaray Wasiirka difaaca ee Ruushka iyo waaxda difaaca ee Mareykanka, kaas oo lagu nabadeynaayo duulimaadyada howlgalka Suuriya.”

Waxa kale oo intaa ku daray:

“Bayaankan waa u muhiim farsamada aan isticmaaleyno. Waxa ay shuruuc u sameyneysaa hawlgalada ay ka qeybgalayaan diyaaradaha duuliyaha leh iyo kuwa duuliye aan lahayni ee hawada Suuriya.”

Sidoo kale waxa Antonov uu sheegay in xukuumadda Ruushka ay isbeheysiga ka dalbatay wada shaqeyn ballaadhan oo ay ka mid tahay wadaagista xogaha sirta ah, balse uu Maraykanku diiday arrintaas.

bandhige@gmail.com