Ruushka oo beeniyey in diyaaraddii ku dhacday Sinai in ay daacish soo riday

Wasiirada Gaadiidka iyo xaaladaha deg-dega ee Ruushka ayaa gaadhay Jasiirada Sinai goobtii ay ku burburtay diyaaradii Ruushka ahayd oo ku dhinteen 224 qof ayaa beeniyey in ay kooxda Daacish soo rideen.

Wasiirka ayaa waxa wehelinayey saraakiil ka tirsan laanta gaadiidka hawada ee Ruushka oo baadhaya sababta keentay burburka diyaaradda.

224 qof oo ku dhintay burburka diyaaradda ayaa waxa maydadkoodii la helay 175 qof, inkastoo la raadinayo dadka hadhay ee rakaabka. Dadka ku dhintay burburka diyaaradda ayaa waxa ku jira 25 carruur ah oo ay ku jirto gabadh yar oo 10 bilood jirtay.

Maydadkii ugu horreeyay ee laga keenay goobta ay diyaaraddu ku burburtay ayaa loo qaaday Ruushka.

Ruushka ayaa galay baroordiiq ay ugu baroordiiqayaan dadkii ku dhintay burburka diyaaraddii ku dhacday jasiiradda Sinai.

Diyaaradda burburtay ayaa waxay shaqaynaysay muddo dhan 18 sanno ah ayaa waxay shirkadda diyaaradii lahayd sheegtay in xaaladeedu wanaagsanayd.

bandhige@gmail.com