Ruushka oo duqayn ku dilay 48 qof oo Suuriyaan ah oo qoys kaliya ka soo wada jeeda

Diyaaradaha duqaynta ee Ruushka ayaa maanta gantaal la helay dhufays ay duqaynta kaga dhuumanayeen 48 qof oo qoys isku mid ah ka soo wada jeeda.

Dadkan ehelka ay ayaa dhufayskan ku ururay si ay uga dhuuntaan duqaymaha Ruushka iyo gulufka kale ee ka socda Suuriya. Dhacdadan ayaa argagax ku abuurtay dadka Suuriya.

Godkani wuxu ku yaallaa magaalada Xomis oo ah magaalooyinka gacanta ba’ani ku dhacday intii ay socotay colaadda Suuriya.

Ruushku 24kii saacadood ee ugu dambeeyey wuxu duqeeyey 49 goobood oo uu ku sheegay in ay gabood u ahayd kooxda ISIS.

Ciidamada daacadda u ah Bashaar Al-Asad ayaa ka faa’iidaystay duqaynta Ruushka, waxayna meelo door ah ka qabsadeen jabhadaha kala duwan ee Suuriya tan iyo intii gulufka Ruushku bilaabmay.

Ruushka ayaa ku dooda in uu bar-tilmaameedsado ISIS laakiin dawladaha galbeedka iyo mucaaridka Suuriya ayaa ku eedeeya in aanu u kala aabo yeelin duqayntiisa, isla markaana meel kasta oo ay xukuumadda Suuriya ka codsato in uu duqeeyo ay diyaaradihiisu rusheeyaan.

Gulufka Ruushku wuxu bilaabmay wakhti dagaalka Suuriya uu socday afar sanno isla markaana uu galaaftay nolosha 250,000 oo qof halka uu ka barokiciyey malaayiin dad ah, kuwaas oo daaduunkoodii ilaa Yurub daadsan yahay.

Il-wareed: Aljazeera