Ruushka oo joojiyey duullimaadyadii aadi jirey Masar

Madaxa sirdoonka Ruushka  Alexander Bortnikov ayaa sheegay la baajiyay diyaaradahooda tagi jiray dalkaasi Masar, ilaa inta la soo bandhigayo waxa sababay diyaaraddii ku burburtay Sinai Sabtidii.

Sidoo kale hore waxa uu joojiyey Ingiriiska duullimaayaddii aadi jirey sharma Sheekh, iyagoo haatana bilaabay daad-gureynta dalxiisayaasha ku sugan Sharma Sheekh.

Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa sheegay in warar sirdoonkoodu helayaan sheegayaan in diyaaradda burburtay bam qarax lagu soo riday.

Joojinta duullimaadyada Ruushka ayaa ku soo beegmay wakhti uu Ingiriisku ka daad-gureeye dalxiisayaasha u dhashay waddankiisa.

Diyaaraddaha ka duula Sharma Sheekh ayaa sidoo kale bilaabay in ay shandaha rakaabka laga reebo diyaaradda rakaabku raacayo, oo mar dambe saaraan diyaaradda u gaar ah.

bandhige@gmail.com