Ruushka oo liiska dadka la raadinayo ku daray madaxa Maxkamada ICC

Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada ayaa sheegtay “in aad uga xuntahay in Ruushka oo galiyay dacwad oogaha guud liiska dadka la raadinayo.

Waxay ku soo beegantay laba bilood ka dib markii uu madaxa maxkamadda ICC Karim Khan uu soo saaray warqad lagu soo xirayo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Bayaan ay soo saartay Sabtidii, ayay maxkamaddu ku sheegtay in tallaabadani ay tahay isku day lagu doonayo in lagu wiiqo “waajibaadkeeda sharciga ah ee lagu xaqiijinayo isla xisaabtanka dembiyada ugu waaweyn”.

Bandhige@gmail.com