Ruushku wuxu ku dedaalayaa in uu dib u hanto Koonfurta Kuuriya, waase arrin adag

Koonfurta Kuuriya ayaa u muuqata in ay ka sii fara baxayso Ruushka, uguma tiirsanaya sidii ay baryaha qaar ugu tiirsanaan jirtay Midowgii Soofiyeeti ee burburay. Taasina waxay keentay in ay wada-hadal iskala bilawdo Maraykanka iyadoo Ruushku aanu kaalin muuqata ku lahayn.

Xidhiidhka u dhaxeeya Midowga Soofiyeeti iyo Koonfurta Kuuriya wuxu sii xoogaystay sannadkii 1950aadkii, wakhtigii uu qarxay dagaalka labada Kuuriya. Xilligaas Kuuriya waxay boqolkiiba boqol daacad u ahayd Ruushka, Madaxweynaha hadda Kim Jong Un awawgii waxa talada dalka gacanta uga galiyey dalka Joseph Stalin oo ahaa haggaamiyihii Midowga Soofiyeeti, taladaas oo ilaa hadda isla qoyskii gacanta ugu jirta.

Hase yeeshee Koonfurta Kuuriya waxa cashar u noqday burburkii Midowga Soofiyeeti ee 1991, halkaas oo uu mar qudha go’ay raashinkii iyo taakulayntii joogtada ahayd ee ay Ruushka ka heli jireen. Kadibna natiijadii waxay noqotay in 3 milyan oo qof ay gaajo ugu dhintaan Koonfurta Kuuriya.

Intaa wixii ka dambeeyey isku hallaynta Koonfurta Kuuriya ay Ruushka ku qabto marba way sii yaraanaysay kolba marxalad ay taagan tahayba. Haddase waxay u muuqataa in ay gebi ahaanba ka sii fara baxayso.

Kim Jong Un oo ah hoggaamiyaha wakhti-xaadirkan ee Koonfurta Kuuriya, ma aaminsana in uu iska daba socda Ruushka. Khibraddiisuna aad bay u yar tahay. Waana ta werwerka badan ku haysa Ruushka.

Tifaftiraha wargeyska caalamiga ah ee The Independent, Christ Stevenson, ayaa sheegay in Ruushku uu jeclaan lahaa in uu baajiyo shirka Maraykanka iyo Koonfurta Kuuriya ay wada leeyihiin, laakiin wax saamayn ah oo uu ku yeelan karaa aanay jirin, maadaama Koonfurta Kuuriya aanay waxba waayeyn haddii uu xumaado xidhiidhka u dhaxeeya iyada iyo Ruushka.

“Annagu waanu jecelnahay in  aanu gacan ka gaysano wanaajinta xidhiidhka Maraykanka iyo Koonfurta Kuuriya, haseyeeshee waxan u arankaa in arrinka la dedejinayo, wixii la dedejiyana natiijadeedu ma wanaagsanaato” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Surgei Lavrov oo muujinaya sida uu u diidan yahay shirka Trump iyo Kim Jong Un toddobaadkan soo socda ay ku kulmayaan Singapore.

Khuburada ka faaloota arrimaha caalamiga ahi waxay tibaaxayaan in Ruushku isku dayi doono in uu la kulmo hogaamiyaha Koonfurta Kuuriya Kim Jong Un kadib shirka Trump, iskuna dayi doono in uu ku qanciyo in uu dib uga fikiro xidhiidhka uu la yeelanayo Maraykanka. Waase dedaal u eg in uu soo habsaamay, muddooyinka dhaw ayaana la kala ogaan doonaa Kim Jong Un in uu u ciiro dhinaca Ruushka iyo Shiinaha ama dhinaca Maraykanka.

Il-Wareed: Wakaaladaha caalamiga ah ee wararka.

Bandhige@gmail.com