Ruushku wuxu shalay duqeeyey bar-tilmaameedyo Suuriya ah, Maraykanka iyo Sucuudiga oo ka qayliyey

Ruushku shalay wuxu duqayn ba’an ku ekeeyey bar-tilmaameedyo ka ku yaal Suuriya. Duqayntaas waxa aad uga qayliyey Maraykanka iyo Sucuudiga iyaga oo sheegay in aanay doonayn in Bashaar Al-Asad la difaaco si uu Suuriya madaxweyne uga sii ahaado, isla markaana aan la daciifin mucaaridka ka hor jeeda Bashaar.

Hase ahaatee Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Surgey Lavrov ayaa maanta shir-jaraa’id qabtay. Wuxu sheegay in ay dacaayad tahay oo aanu Ruushku duqayn mucaaridka Suuriya laakiin uu duqeeyeey isla markaana baabiiyey lix bar-tilmaameed oo ISIS saldhig u ahaa.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka John Kerry ayaa sheegay in Maraykanku wada-hadallo degdeg ah uu la geli doono Ruushka si uu u hubiyo in hawl-gallada Ruushku aanay saamayn ku yeelan mucaaridka caadiga ah ee Suuriya.

Beryihii u dambeeyey waxa soo if baxaysay Ruushka oo door muhiim ah ka ciyaaraya saaxadda siyaasadda dunida, iyadoo uu weli ku gacan-sarreeyo xaaladda Yukrayn haatana uu Suuriya si badheedh ah ula soo saftay.

Maraykanka, reer-galbeedka kale, iyo carab uu Sucuudigu hor kacayo waxa ay doonayaan in Bashaar Al-Asad meesha laga saaro, ISIS-na meesha laga saaro, mucaaridka caadiga ah ee Suuriyana talada lagu wareejiyo taas oo Ruushku u arko in ay tahay riyo aan higeli karayn.

Bandhige@gmail.com