Saameynta Dagaalka Laascaanood: Sheekada Labadii Nin Ee U Kala Qaxay Hargaysa iyo jigjiga W/Q: Cali Cabdi Coomay

= Nin Dhulbahante ah ayaa xaaskiisii ka raray Hargaysa oo Jigjiga geeyey. Markii sababata la weydiiyey, wuxuu ku jawaabay: “ Xaaskaygii markay sariibadda tagto, waxa ay maqlaysaa iyada oo Dhulbahante la caayayo, carruurtaydii markay jaamacadaha iyo dugsiyada tagaan sidoo kale Dhulbahante ayaa eedda dagaalka oo dhan dusha laga saarayaa Dhulbahante, bas markaad soo raacdo caydu xad ma leh, goob makhaayad ah markaad fadhiisato sidaasi si ka daran. Waar markaa niyad ahaan ayaanu u dhega-barjownay. Markaa waxaanu doonanay meel sheekadu sidan ka duwan tahay oo aanu ku nafsino, oo cayda dhan loo wada ridaayo.kkkkkk.

= Nin Isaaq ahaa ayaa isna xaaskiisii iyo carruurtiisii ka soo raray Jigjig (Itoobiya), markii isna la su’aalay sababta wuxuu yidhi” intii dagaalka Laascaanood bilaabmay, cayda Isaaq iyo Soomaalilaan lagu hayo ayaa kor u kacday oo meel kasta lagu hayo. Dhagaha cidi kaagmaa duwayso, adiga oo maqlaya ayaa lagu odhanaaya, Isaaq ciidan iyo hub urursaday ayaa Dhulbahante ku kibraya ee dagaalka ha lala galo. Goobihii ganacsiga, makhaayadihii, shaqadii iyo goob kasta oo bulshadu isugu timaado ayaa xaaskaygii iyo anigu aanu khaati ka taagnaanayn hadallo qabyaaladeed oo lagu bartilaameedsanayo Isaaq. Dee waanu isaga nimid oo meel aanu ku nafisno ayaanu soo doonanay.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com