Sababta Dhabta ah ee Xukuumadda Somaliland U Joojin Wayday Diyaaradda Ethiopian Airlines

Guddiga u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Xanuunka Covid_19 ee Somaliland ayaa markii ugu horraysay sharaxaad ka bixisay sababta ay Xukuumaddu ay u joojin wayday diyaaradda Ethiopian Airlines, maaddaama oo dalalka Adduunka oo dhami iska joojiyeen duulimaadyadii dalka dibeddiisa, si looga hor-tago inay dalka ku soo daabusho Dad qaba Xanuunka Covid_19.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in sababta loo joojin waayey diyaaradda Itoobiya ay mid tahay in markii Dawladda Federaalka Soomaaliya sheegatay Maamulka Hawada ay Garab istaagtay Somaliland iyo haddii wax deg-deg ahi soo baxaan in Somaliland adeegsato diyaaradda.

Wasiir Maxamed Kaahin oo hadal ka jeediyey kulan ay Guddiga ka hor-tagga Covid_19 ee Somaliland la yeesheen Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland Shalay, ayaa isagoo ugu horrayn ka jawaabaya su’aalaha la iska waydiiyo sababta Xukuumaddu u joojin wayday Qaadka iyo Diyaaradda Itoobiya, wuxuu yidhi “Su’aalaha lana waydiiyaa waa Qaadka iyo Diyaaradda Itoobiya, hadda waad ogtihiin way sii yaraanayaan Tirada Dadka ay soo qaaddo (Diyaaraddu)  Maanta (Shalay) waxay sidday 4 Qof, maalmaha qaarkoodna ma yimaaddaan, Waayo? Waxaanu heshiis kula galnay in aanay soo qaadin Dad Rakaab ah oo ka imanaya Dalalka uu Xanuunkani aadka u sameeyay, sida Waqooyiga Ameerika iyo Yurub oo dhan.”

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay “Waad ogaydeen, dhawaan markii Soomaaliya sheegatay inay hawada leedahay (Maamulkeeda), arrinkaa waynu isku qabsanay, uma siidaynayno oo keliya (Diyaaradda Itoobiya) inay Maalintaa inoo markhaati furtay oo ay inala safatay, laakiin waxaanu u doonaynaa inaanu Itoobiya Gacanta ugu hayno, innagu ma nihin Dal la Aqoonsan yahay, markaa haddii Xaaladdu sii adkaato ama waxyaabo kale oo Daruuri ahi ay soo kordhaan gaadiidka keliya ee aynu leenahay waa Ethiopian Airlines, Dawladdooduna ay inala ogoshahay, markaa waxaanu isla ogol nahay is ban’baaninta inay iyaguna inagula shaqeeyaan oo aynu sidaa ku wada shaqayno.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay qorshaynayaan inay si nidaamsan u qaadaan Tallaabo qaadka wax lagaga qabanayo “Arrinka qaadka, barnaamijkeena kama madhna in aynu qaadka ka qaadno Tallaabo ku habboon, waanu sii adkanayaa (Xanuunku) oo waxa la sheegayaa in Itoobiya lagu hayo 49 qof (oo qaba), markaa inaynu Tallaabo ka qaadno way u baahan tahay, laakiin waxaanu doonaynaa Tallaabo habaysan (inaanu qaadno), Qaadlihii waanu la ballansanahay, in aynaan is eryan oo dagaal kale innagu furmin (ayaanu doonaynaa)..”

Xigasho: Geeska Afrika