Sacuudigu waxay gacanta ku dhigeen Askar Eeraaniyiin ah

 

Wasaarada Warfaafinta Sacuudiga ayaa sheegtay in la xidhay sadax askari oo ka tirsan ilaalada kacaanka Eeraan. Askartan la xifhay ayaa lagu qabtay iyagoo u soo dhowaaday biyaha dalka Sacuudiga gaar ahaan ceelka saliida ee Marjan.

Sacuudigu wuxu uu intaasi raaciyay in ragan la qabtay ay damacsanaayeen in ay falal gaystaan.Waxayna wateen doon la sheegay in ay ku soo dhowaatay ceelka shidaalka ee Marjan.

Waxaa sidoo kale baxsatay doon kale oo la sheegay in ay la socotay. Balse dawladda Eeraan ayaa sheegaysay in doomahan la qabtay ay ahaayeen kuwo kaluumaysi ah.

Waxaa jirra khilaaf xoogan oo u dhaxeeya labadan dawladood ee Eeraan Sacuudiga.

bandhige@gmail.com