Saddex qof oo lagu xidhay Nayroobi

Saddex qof ayaa lagu xidhay magaalada Nayroobi ee Kiiniya ka dib markii nin uu isku day in uu la soo galo waxyaabaha qarxa xarun dukaamaysi ah.

Ciidanka ilaalada xarunta dukaamaysiga ee Garden City ayaa qabtay nin sita waxyaabaha qarxa, ka ka dibna waxay u gudbiyeen ciidamada booliiska ee qaybta miino baadhista oo markii danbe joojiyey in uu bamkaasi qarxo.

Xarunta Garden City Hall ayaa dadka laga daad gureeyey ka dib markii la qabtay ninkan sita bambooyinka.

Hore ayey kooxda Al-shabaab ka gaysteen gudaha Kiiniya weeraro qarax oo galaaftay nolosha dad badan iyo dhaqaalaba.

bandhige@gmail.com