Faallo: Saddexda xisbi iyo xukuumaddu maxay ku heshiin karaan Sabtida?

Sida uu Arbacadii shaaciyey Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Sabtida ayaa saddexda xisbi rasmi ahaan u bilaabayaan wada-hadal ku saabsan sidii xal siyaasi ah loogu heli lahaa muddo-kordhinta Guurtidu samaysay, xisbiyada mucaaridkuna ku gacan saydheen.

Jawigii shalay xisbiyada iyo xukuumaddu ku shireen ayaa u muuqday mid deggan is-fahanna dhallin kara.

Inkastoo Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici 12kii May u sheegay idaacadda VOA in aan laga gorgortami karin muddo-kordhinta Guurtida, haddana hadalkii uu Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ka jeediyey shir-saxaafadeedkii ay saddexda xisbi shalay wadajirka u qabteen ee uu yidhi “Sabtida ayaa la gudogeli doonaa dood ku saabsan sidii xal siyaasi ah oo saddexda xisbiba ku qancaan loogu heli lahaa dib-u-dhaca doorashooyinka” ayaa dad badani u macnaysteen in xukuumadda iyo Kulmiye ka debacsan yihiin sidoodii hore.

Haddii dhinaca xukuumadda tanaasul ka yimaad waxay u eg tahay in uu ku keenay cadaadis xoog leh oo kaga yimid Bulshada Caalamka.

War-saxaafadeedkii ka soo baxay xafiiska dawladda Ingiriisku ku leedahay Hargeysa 13kii May, waxa lagu sheegay in haddii muddo-kordhinta Guurtidu sideeda u hirgasho ay Beesha Caalamku ka fiirsanayso wixii ay yeeli lahayd, waxana si gaar ah loo soo hadal-qaaday mashruuca Somaliland Special Arrangement (SSA) kaas oo la sheegay in ay dhibi soo gaadhi karto.

Labada xisbi ee mucaaridka ayaa marka la eego war-murtiyeedkii ay saxaafadda siiyeen 11-kii May, maalintii muddo-kordhinta la sameeyey, waxay aaminsan yihiin in doorashadu ku dhacdo wakhtigii Guddida Doorashooyinka Somaliland muddeeyeen oo ku beegan 1da Juun 2016.

Uma badna in xukuumaddu aqbali doonto in doorashadu ku qabsoonto jadwalkii Guddida Doorashooyinka, hase ahaatee meesha lagama saari karo isbedel ku yimaad muddo-kordhintii Guurtida.

9-kii May ayay labada xisbi ee Kulmiye iyo UCID saxeexeen in doorashadu qabsoonto November 2016, wakhtigaas oo 5 bilood iyo badh ka badan wakhtigii ay Guddida Doorashooyinka Somaliland soo jeediyeen, ku dhawaad 5 bilood-na ka yar wakhtigii ay Guurtidu kordhiyeen. Hase ahaatee waxa muddeyntaas ku gacan-saydhay xisbiga Waddani.

Walow aan si dhab ah loo saadaalin karin, waxa laga yaabaa in Kulmiye iyo UCID mar kale miiska soo dhigi karaan in doorashadu qabsoonto 11 November 2016 taas oo haddii Waddani aqbalo u muuqanaysa in ay waafaqday hadalkii Muuse Biixi ee ahaa “xal siyaasi ah oo saddexda xisbiba ku qanci karaan.”

Si kasta oo ay wax u dhacaanba, go’aankii Golaha Guurtida oo wax laga bedelaa waxay u badan tahay in uu ka cadhaysiin doono xildhibaannadii farta u taagay muddo-kordhinta isla markaana awood dheeraad ah siin doono Beesha Caalamka iyo Xisbiyada mucaaridka.

bandhige@gmail.com