Safaarada Somaliland Ee Imaraadka Ayaa Shaacisay In Ballaadhin Lagu Sameyey Shaqooyinka Ay Muwaadiniinta Somaliland U Qabtaan

Xafiiska Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Imaraadka Carabtu waxay ugu

bishaareynayaan dadweynaha reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan

dalkan Imaaraadka Carabta in kor loo qaaday darajadii xafiiska wakiilka

Somaliland ee UAE oo laga bilaabo maalintii taariikhdu ahayd 13 July,2018, ay

dowladda UAE u aqoonsatay inuu noqdo xafiis dowladda Somaliland uga wakiila

danaha Jamhuuriyada Somaliland ee dalka Imaraadka Carabta (Somaliland

Liaison Office).

Haddaba munaasabad lagu daahfureyo hawlaha iyo adeega xafiiska Somaliland

Liaison office ayaa lagu qaban doonaa magaalada Dubai maalinta taariikhdu

tahay 22, Jul,2018.

Allah Mahad leh

Ambassador Baashe Cawil Cumar.