Safiirka Imaaraadka Carabta Baashe Cawil oo ka war-bixiyey xaalada Caafimaad ee Xaaji Cabdi-waraabe

????????????????????????????????????

Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Somaliland Baashe Cawil Cumar ayaa ka waramay xaalada caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariin Xuseen “Cabdi-Waraabe” oo baadhitaan dhamaystiran loo sameeyey.

Baashe Cawil oo maanta ka war-bixiyey xaalada caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariim ayaa sheegay in uu meel fiican marayo, maalmaha soo socdana dalka ku soo laaban doono, isagoo ka hadlayana waxaanu yidhi:

“Xaalada caafimaad ee Xaaji Cabdi-kariim meel fiican ayey maraysaa, si wanaagsana waxa loogu baadhay Cusbitaalka Al- Khaliifa ee magaalada Dubai.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

Xaaji Cabdi-kariim markuu gaadhay madaarka Dubai, waxa hawshiisa la wareegay oo marti uu u yahay dawlada Imaaraadka Carabta, waxaana isaga, xaaskiisa iyo inan uu dhalay la degay hudheel weyn.”

Baashe Cawil ayaa sheegay in uu maalmaha soo socda ku soo laaban doono dalka, waxaanu yidhi:

“Xaaji Cabdi-kariim maalinta Arbacada ayaa la filayaa inuu ku soo laabto dalka, xaaladiisuna Ilaahay mahadii way wanaagsan tahay, muhiimadii loo keenay dalka Imaaraadkana waanu gaadhnay, oo waxa hawshiisa la wareegay wasaarada Madaxtooyada Imaaraadka.”

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya muddo usbuuc ah dabadeed markii Xaaji Cabdi-kariim loogu qaaday xaalad hubin caafimaad dalka Imaaraadka Carabta, oo Madaxweyne Axmed Maxamed “Siilanyo” uga dalbaday martiqaadkiisa.

bandhige@gmail.com