Safiirka Somaliland u fadhiya dalka aynu jaarka nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed ayaa booqday xarunta guud ee xidhiidhka legdinta Somaliland.

Safiika waxa xaruntaas ku soo dhaweeyay gudoomiyaha xidhiidhka legdinta Somaliland Cabdiraxiin Sheekh Cali mohamed kuna soo dhaweeyay safiirka, isagoo uga mahadnaqay booqashadda uu Ku imid xarunta Legdanka iyo qalaamo rogodka.

Geesta kale waxaa halkaa Ka hadlay oo uga mahadceliyey safiirka djibouti inuu ku faraxsan yahay qaabilaada balaadhan ee loo sameeyay iyo sidda Xarunta loogu soo dhaweeyey Amb. Cabdifataax Siciid Axmed, wuxuuna Ku hambalyeey shaqada la taaban Karo ee qabteen sidda fiican ee dhallinyaradda ciyaarta loo yaqaan Judo ugu tababareen ciyaartani.

Safiir Cabdifataax Siciid wuxuu ballan qaaday inuu ka shaqayn doono sidii kor loogu qaadi lahaa shaqada uu qaranka u hayo xidhiidhka legdinta iyo ciyaaraha fudud, looguna heli lahaa wixii tabobaro ah ee ay u baahan yihiin.

Bandhige@gmail.com