Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Faransiisku waxa uu ka qaybgalay Shirka 12aad ee lagaga hadlay ka faa’iideysiga Kheyraadka Badaha

Shirkan waxa sii heer sare ah u soo qabanqaabisay dawladda dalka Faransiiska, shirkan ayaa waxa la qabtaa sannadkii mar, kaasi oo ay ka soo qayb galaaan ergooyin gaadhaya 1800  oo qofka oo kala yimid dunida iyo dalka Faransiiska iyo  shirkadaha daneeya maalgalinta ka faa’iideysiga kheyraadka badaha.

Shirkan oo socoday muddo laba maalmood waxa si weyn loogo lafa guray sidii dunidu u maalgalin lahayd kheyraadka dihin ee badaha loona sameyn lahaa suuqa ugu weyn ee dhinac kalluunka.

Waxa markii ugu horaysay sii rasmi loogu marti qaaday Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Faransiiska Ambassador Cali Ismaaciil wuxuu ka jeediyey khudbada la xiidhiidhka dalka Somaliland Taariikhada soo jireenka ah ee dhinaca nabad-galyada hannaanka doorashooyinka isla markaan tilmaamay halka ay Somaliland ku taalo Geeska Afrika,  wuxu  sharaxaad guud ka siiyey in ay badaha Somaliland ka kooban tahay  850 kiilo mitir oo uu baahan maalgalin Caalamig  Shirkadaha daneenaya Maalgalinta Kheyraadka Badaha Somaliland.

Geesta kale Amb. Cali, wuxu uga xogagal waramay halka ay kaga taalo biyaha gacanka cadmeed iyo biyaha  India Ocean isla markaan ku tilmaamay in ay ku taal meel muhiim ah oo aad u hodan dhinaca ka faaa’iideysiga kaluumaysiga Kheyraadka bada Somaliland, wuxuu sheegay in ay  ku wanaagsan tahay dhinaca dalxiiska bariga iyo badda  oo ku haboon in ay dalxiisyaal badani soo arki karaan nabada ka jirta dalka Somaliland.

Sidoo kale Safiirka Somaliland Dalka Faransiisku waxa uu tilmaamay in uu  shirkan u iba furay badaha Somaliland siday u baran lahaayeen shirkadda maalgalinta ka faa’iideysiga kheyraadka bada ay ka soo qaybgalen 1800 qof oo isku jiray xubno ganacsato waaweyna dalalka Yurub Ameerika, Aasiyaiyo Afrika, sidoo kale safiirku sheegay in ay sannadka dambe ahmiyad siin doonaan Wasaaradda Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Baddaha Somaliland.

Shirka labada maalmood socoday waxa furay Madaxweynaha Faransiiska Holland wuxu ka jeediyey khudbad oo aad u mahadnaqay ka soo qaybgalaysaasha Shirka sidoo kale wuxuu sharaxay ahmiyad uu shirkan u leeyahay dalka.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweyne Holland sidii ay shirkaddaha Faransiisku uga qayb qaadan lahaayeen maalgalinta kaluumaysiga badaha.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale kula dardaarmay ka soo qayb galayaasha in ay ahmiyad siiyaan sidii bulshada Caalamka loogo faa’iidaysan lahaa kheyraadka Baddaha.

Halkan hoose ka daawo muuqaalkan warkan:

bandhige@gmail.com