Safiirka wareega ee xisbiga Waddani Suhuur Xasan Abiib oo Hargeysa lagu soo dhaweeyey

Masuuliyiin ka tirsan xisbiga Waddani ayaa shalay soo dhaweeyey Guddoomiyaha garabka haweenka Waddani ee dalka Kanada Suhuur Xasan Abiib isla markaana ah Safiirka Wareega ee xisbiga Waddani.

Waxaana ugu horeyn madashaa soo dhaweynta hadalo kooban ka soo jeediyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog waxaanu yidhi:

“Maanta waa maalin farxad noo ah waxaanu halkan ku soo dhaweynaynaa qof aad ugu qaali ah Waddani, Suhuur oo ah safiirka wareega ee Waddani, waxaan leeyahay Suhuur ku soo dhawoow dalkaagii iyo ciidaadii aad u dhalatay, waxaanan kugu hambalyeynayaa kaalinta wax ku oolka ah ee aad xisbiga ugu jirto.”

Dhinaca kale Suhuur Xasan Abiib ayaa iyaduna hadalo mahad celin ah uga soo jeedisay masuuliyiintii soo dhaweeyey waxaanay tidhi:

Runtii aad ban ugu faraxsan ahay inaan dalkaygii hooyo oo nabad ah kusoo guryo noqdo, oo aan si nabad ah ku imaado, laakiin waxaan ka cudur daaranayaa oo aan aad uga xumahay aniga oo ah qof Somalilander ah in xildhibaanadii iyo masuuliyiintii kale ee i soo dhaweynaysay loo ogolaan waayay inay Madaarka soo galaan, run ahaantii aad ban uga xumahay arintaa, laakiin alxamdulilah hadana waxaanan halkan ka salaamayaa dhamaan taageerasha Waddani iyo Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).”

Soo dhaweynta masuuliyiinta ee dalka dibediisa ayaa imanaysa wakhti masuuliyiin ka tirsan Waddani xil ka qaadis lagu sameeyey , iyagoo iyaguna xisbiga eedayn u soo jeediyey.

bandhige@gmail.com