Safiirkii Shiinaha ee Israa’iil ayaa meydkiisa laga helay guri ku yaala Tel Aviv

Safiirkii Shiinaha ee Israa’iil ayaa meydkiisa laga helay guri ku yaala Tel Aviv

Safiirkii Shiinaha ee Israa’iil Du Wei, ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa oo ku yaala waqooyiga magaalada Tel Aviv, sida ay sheegeen wasaaradda arrimaha dibedda Israa’iill iyo booliska.

Lama oga sababta dhimashadiisi, waxaana booliiska Israa’iil ay sheegeen inay wadaan baadhitaan.

Warbixinnada warbaahinta ayaa sheegaya in Du ay umuuqato inuu u dhintey xanuun wadnaha ah, laakiin ma jirto xaqiijin rasmi ah.

Du wei wuxuu Israa’iil yimid bishii February. Wuxuu horey u ahaa wakiilka Shiinaha ee Ukraine, sida lagu sheegay bogga safaaradda.

Dhimashada safiirka ayaa imanaysa laba maalmood kadib markii uu dhalleeceeyay xoghaya arrimaha dibada ee Maraykanka Mike Pompeo kaas oo Shiinaha ku eedeeyey inay qarinayso macluumaad ku saabsan cudurka Coronavirus.

Il-Wareed: Wakaaladaha Caalamiga ah

Bandhige@gmail.com