Salaadiin isxil-qaantay ayaa dhex-dhexaadin ka bilaabay xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadda

Af-hayeenka Salaadiinta Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey iyo xubno kale oo ka mid ah salaadiinta Somaliland ayaa daboolka ka qaaday inay dhex-dhexaadinayaan xukuumadda iyo mucaaradka kuwaas oo isku maan-dhaafay muddo kordhinta ay Gollaha Guurtidu u sameeyeen xukuumadda.

Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiiray oo ah Guddoomiyaha Salaadiinta wada dhex-dhexaadinta labada dhinaca, ayaa waxa uu sheegay in ay laba guddi iska soo saari doonaan xukuumadda iyo mucaaradku, oo ay xidhiidh la sameeyeen.

Salaadiintu ayaa sheegay inay labada dhinacba ka aqbaleen in la dhex-dhexaadiyo, isla maantana ay  is hor fadhiisin doonaan muacaaridka iyo xukuummaddu.

Dhex-dhexaadintan Salaadiinta ayaa ku soo beegmaysa xili  xisbiyada mucaaradku iyo Madasha Wada-tashigu ku dhawaaqeen wakhtiga ay qabanayaan shirwayne lagaga tashayo aayaha iyo danta qaranka.

Halka ay xukuumaddu heegan gelisay ciidanka Booliska, islama markaana aan la qaban karin wax shir ah oo wada tashi ah oo ay qabanayaan axsaabta mucaaridku iyo Madasha Wada-tashigu.

bandhige@gmail.com