Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ahna Murashax Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro” ayaa duhurkii maanta barta uu ku leeyahay Facebook-ga ku baahiyey qoraal kooban oo uu ku soo xiganayo qayb ka mid ah khudbaddii uu ka jeediyey Maalinta Dhallinyarada Somaliland, 20-ka February 2017.
Qoraalkan oo uu cinwaan uga dhigay “Saldhiga laga sameynayo Berberi waa bidaari sibiq bay kugu gashaa” isaga oo dhammaystiran wuxu u dhigan yahay sidan:
Munaasibadda Maalinta Dhalinyarada Somaliland 20 Feb.
Waxa farxad ii ah in aan ka soo qeyb-galo munaasibaddan weyn ee sida wanaagsan loo soo agaasimay ee ku astaysan maalinta qaranku u asteeyey dhallinyarada jamhuuriyadda Somaliland, waxaana si gaara u xusayaa dhallinyarada ay ka dhalatay fikraddaas in la aas aaso ee dhallinyarada UFO oo aan inta halkan joogta u mahad-naqaayo, taariikhdooda in la xusana ay mudan yihiin, intii ka dhimatayna Alle ha u naxariisto, aniga oo aad u xusaaya Barre oo ka mid ahaa dhallinyartii halkaas ku dhimatay maalintaas.
Waxa kale oo taariikhdeena inagu waajib ah in aynu si wanaagsan uga bogano, dhallinyaradeena na ugu gurmano, dhallinyarada na waxa aan u soo jeedinayaa in ay niyadda u furaan taariikhda halkan laga ga sheekaynaayey. Waxa aan boggaadinayaa dhammaan dhallinyarada jamhuuriyadda Somaliland oo aan ku boggaadinaayo maalinta dhallinyarada ee 20ka February , markaa aad baan u hambalyeynayaa runtii.
Dhallinyarooy berigii hore idinku maydaan dhalan e’ ruwaayadahii berigii hore la dhigi jiray waxa ka mid ahayd ruwaayad la odhan jiray bidaari sibiq bay kugu gashaa, markaa waxa aan lee yahay saldhiga laga samaynaayo Berberi waa bidaari sibiq bay kugu gashaa, waxaana aad ka warqabtaan in wadamada khaliifka aynu saaxiib nahay, waxbay taraan Somaliland na waa run , laakiin dalalka Khaliijku sida aynu ka warqabno waxa ay galeen dagaalka Yeman, anigu markaa waxa aan is lee yahay qolyahaa wadamadu khaliijku hada waxa ay lee yihiin tolow yaa idin ka saara dagaalka Yeman, markaa nimankaasi dagaalka ay lee yihiin Ilaahow yaa idin ka saara, waxa aan lee yahay in Somaliland loo keeno waa arrin si gaara ugu baahan in looggu fiirsado, waxaana aanu qabnaa in Saldhiga Milatari ee Imaaraadku aanu ahayn mashruuc horumarineed oo anagu wixii mashruuc horumarineed ah si weyn baanu u soo dhaweynaynaa, wixii wadanka wax taraayana aad baanu u soo dhaweynaynaa se waxa aanu lee nahay waar Saldhiggaas Milatari yaanu noqonin Bidaari sibiq bay kugu gashaa.