Salva Kiir ugu dambayntii wuu saxeexay heshiiska Koonfurta Suudaan

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salva Kiir ayaa ugu dambayn saxeexa ku duugay heshiis uu liqi kari la’aa labadii todobaad ee ugu dambeeyey.

Xaflad aad u ballaadhay ayaa lagu qabtay Jubba waxana ka soo qayb-galay Madaxweynaha Yugaandha Yuweeri Musafeni, Ra’iisal-Wasaaraha Itoobiya Xayla-Maryam Deselaan iyo Madaxweynaha Kiiniya Uhuuru Kenyaata.

Heshiiskan ayaa Midowga Afrika iyo Beesha Caalamku ay rabaan in ay ku soo afjaraan colaad soo bilaabantay Diisambar 2013-kii oo ay ku le’deen dadweyne badan oo reer Suudaan ah.

17-kii August ayuu heshiiskan saxeexa ku duugay Riek Machar oo ah Madaxweyne-Xigeenkii hore ee Suudaan oo labadii sanno ee ugu dambeeyey hoggaaminayey mucaaridka hubaysan.

Hase ahaatee Madaxweynaha Suudaan ayaa maalintaas ka gaws-adaygay saxeexa heshiiska isaga oo xusay in uu u baahnaa in uu kala soo tashado dadka talada la leh oo uu uga jeeday xubnaha xukuumaddiisa iyo la-taliyeyaashiisa.

Qaramada Midoobay ayaa maanta gelinkii hore, ka hor intii aan heshiiskan la saxeexin, ku hanjabaysay in ay tallaabo degdega ah qaadi doonto haddii xukuumadda Koonfurta ay saxeexi waydo.

Sida muuqata, heshiiskani wuxu xukuumadda Koonfurta Suudaan ku noqday laba daran mid dooro, taas oo shaki galinaysa sida uu hadhow u fuli doono.

Haddii uu heshiiskani sidaas ku hirgalo, wuxu badbaadin doontaa waddanka Afrika ugu da’da yar oo xornimadiisa helay July 2011.