Sannad-guurada labaad ee Idaacadda Qur’aanka oo si weyn loo xusay iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ka qaybgalay

????????????????????????????????????

Laba sanno oo gaw ah ayaa ka soo wareegtay maalintii ugu horaysay ee la maqlay codka Idaacadda Quraanka Kariimka ah oo ku rikiban gudaha xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka, taas oo 24-ka saacadood oo isku wareeg ah ay ka baxaan Qur’aan iyo Axaadiis ay joogto u dhagaystaan dadweynaha Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka qaybgalay munaasibad la wayneeyey oo lagu xusayey laba-guurada Idaacaddan, taas oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayna sidoo kale ka qayb-galeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi, Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Cukuse, Agaasimaha Warfaafinta Maxamed Cilmi, Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Culimaa’udiinka dalka iyo martisharaf kale.

Mareeyaha Idaacada Qur’aanka Kariimka ah Sheekh Maxamed Shabeel oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa mahad u celiyey madaxda Wasaarada Warfaafinta oo uu ugu horeeyo Wasiir Cukuse iyo Agaasimaha Guud Maxamed Ilka-case.Wuxu sidoo kale u mahad-naqay cid kasta oo ka soo qayb-qaataday furitaankii iyo hirgelintii Idaacadda.

????????????????????????????????????
Madaxweyne Siilaanyo wuxu ammaan iyo mahadnaq u jeediyey wasaaradaha Warfaafinta iyo Diinta
????????????????????????????????????

Tiro culimaa’udiin ah iyo dadweyne kale ayaa ka qayb-galay sannad-guurada 2aad ee Idaacadda Quraanka

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Maxamed Cilmi “Ilkacase” iyo Wasiirka Cabdillaahi Cukuse iyaguna waxa ay u mahadnaqeen shaqaalaha wasaaradda, waxayna ku nuuxnuuxsadeen faa’iidada idaacadda Qur’aanka Kariimka ahi u leedahay mujtamaca.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil oo isna madasha ka hadlay ayaa tilmaamay faaiidada quraanka kariimka ah u leeyahay dalka.

“Ugu yaraan 20 sheekh oo ka hawlgala Wasaaradda ayaa dadweynaha idaacaddan uga gudbiya aqoonta diinta” ayuu yidhi Wasiir Khaliil.

Wasiirku wuxu xusay in ay sii xoojin doonaan barnaamijyada idaacaddan muhiimadda bisha Ramadaan awgeed.

Sheekh Maxamed Aadan wuxu ku hadlay magaca culimada isagoo sheegay in culimo ahaan ay Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah u arkaan horumarka ugu weyn ee la gaadhay.

“Wuu jiraa waxqabad kale oo aan la dafiri karin laakiin culimo ahaan Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah waxan u aragnaa horumarka ugu weyn ee la gaadhay Madaxweynuhuna mustaqbalka wuxu ku faani doonaa in uu yahay qofkii qur’aanka dalka oo dhan gaadhsiiyey.”

????????????????????????????????????
Koox ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo ka qaybgalay munaasibaddii maanta

Intii ay munaasibaddu socotay Madaxweyne Siilaanyo waxa la guddoonsiiyey shahaado-sharaf uu mutaystay kadib markii magaalooyin badan oo dalka ah uu ka hirgeliyey Idaacadda Qur’aanka Kariimka, sidoo kale waxa sharaf ahaan loo guddoonsiiyey kitaab Qur’aanka Kariimka ah.

Madaxweyne Siilaanyo oo gunaanadkii munaasibadda hadal ka jeediyey wuxu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu u taagnaado sannad-guuradii labaad ee hirgelinta Idaacadda Qur’aanka Kariimka ah. Madaxweynuhu wuxu ku ammaanay madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta sida ay hadafkan uga midho-dhaliyeen Idaacaddana u gaadhsiiyeen dalka oo dhan.

Bandhige@gmail.com