Sannadka 2015-ka: Weriyayaashu ugu badnaa oo Suuriya lagu dailay

Sannadka 2015-ka oo laba cisho ka dhiman yihiin dhammaadkiis ayaa waxay ururka suxufiyiinta caalamka difaaca ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano CPJ ayaa waxa uu soo warbixin kooban sheegaysa in 69 suxufi oo lagu dilay Caalamka sannadkan dhammaadka ku dhow iyadoo wali laba maalmood ka dhiman yihiin.

Suuriya oo uu haatan ka socdaan dagaallo laga soo horjeedo Basher Al-asad ayaa waxa lagu dilay 13 weriye. Sidoo waxa waddanka Suuriya ku xigay xaga dilalka waddamada Faransiiska, Baraasiil, Yemen, Koonfurta Suudaan iyo Ciraaq.

Sidoo kale waxa uu sheegay in 199 weriye lagu xidhay dunida sannadka dhammaadka ku dhow, inkastoo tiradu ka sii badan karto laba cisho ee ka dhiman.

Sidoo kale warbixin ay soo saartay 9-kii bishan xarunta xuquuqal insaanka Somaliland ee fadhigeedu yahay Hargeysa ayaa waxa lagu sheegay in 19 weriye lagu xidhay Somaliland sannadkan, iyadoon aanay jirin wax dhimasho ahi.

bandhige@gmail.com