Sarah Palin oo taageertay Donald Trump

Donald Trump oo loo magacaabay in uu noqdo musharaxa Madaxweynenimo ee xisbiga Jamhuuriga ayaa waxa uu taageero ka helay Sarah Palin oo ahayd musharaxii Madaxweyne-ku-xigeenkii Maraykanka ee doorashadii hore.

Sahar Palin ayaa noqonaysa qofkii koowaad oo siyaasi weyn ah oo taageero buuxda siiya Donald Trump oo siyaasadiisu ku salaysan tahay Muslim nacayb.

Sarah Palin ayaa waxay tahay qof saamayn weyn ku leh dhinaca siyaasada gaar ahaan xisbiga Jamhuuriga  ee ay ka tirsan tahay.

Sarah ayaa waxay ugu baaqday dadweynaha Maraykan in ay fiiro gaar ah u yeeshaan sida uu Trumpl ahmiyadda u siinayo arrimaha milateriga iyo soo galooti.

Trump ayaa waxa uu aaminsa yahay in uu Muslimiinta laga hor istaago Maraykanka oo aanay soo galin.

bandhige@gmail.com